Wednesday, December 12, 2018


Hooyoy LA'aantaa 

Hooyoy la'aantaa
Hooyoy la'aantaa, adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen

Dadku uma hayaameen, dayax heego joogoo
sida haad ma fuuleen, xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen, hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo, ruuxaad hagaysiyo
usha midaad u haysaa, hilin toosan waligii
ka habaabi mayee

hooyoy addoomuhu. halkay maanta joogaan
adigow horseedee. intaad hanad xambaartee
haaneedka siisee. horaaddada jaqsiisee
habtay baan xisaab iyo, tiro lagu helaynine

Marka aad nin hiil-loo, laga baqo hashiisaa
lama hure dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.

Marka aad nin hoo-loo, marti hagar ka galinoo
gurigiisa habaqluhu, isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo, hor ilaahay geystiyo
lama hure dhashaa baa, hooyoy lagu xusuustaa.

Marka aad nin himillada, hilin toosan mariyoo
hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo, la higsade dhashaa baa
hooyo lagu xusuustaa.

Marka aad nin hooggiyo, ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo, garta hubin yaqaannoo
xaqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiiggoo, dadka kala hagaajoo
kala hage dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.

Markaad hoobal caanoo, sacabka iyo heellada
labadadba hagaajoo, hindisaha farshaxanoo
hab-dhaca iyo luuqdiyo, rabbi hibo u siiyoo
hawraarta maansada, heensayn yaqaan iyo
hal-abuur dhashaa baa, hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa, nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee, sida hawd caleen wayn
lagu wada hamuumee, ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee

marka guur la haybshee, gabadh heego dheeroo
hoobaan la moodoo, karti iyo hub-qaadloo
quruxdana ka hodanoo, hirta laga aroosaa
hooyo lagu xusuustaa.

Hooyoy la,aantaa, higgaad lama barteenoo
hooyoy la,aantaa, hadal lama kareenoo
ruuxaanad habinoo, kolba aanad hees iyo
hoobey ku sabinoo, hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee

hooyoy taftaadaa, dugsi laga helaayoo
hooyoy dhabtaadaa, hurda lagu gam'aayoo
hooyoy dushaadaa, nabad lagu helaayoo
waxa lagu halmaalaa, hooyo ababintaadee
hayin lagu badhaadhaay, hogol lagu qaboobaay
gogol lama huraaney

intad hooyoy nooshahay, hanbalyo iyo slaan baan
hanti kaaga dhigayaa

hamrashiyo xaqdhowr baan, dusha kaa huwinayaa
hooyoy dhimashadaaduna, hooggayga weeyoo
hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo
weligey hoggaagaan, ka dul heesayaa oo

hengel baan u xidhayaa, inta haadka duushiyo
idil habar dugaaggee, ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon

Qoraa  sare:   max'ed c.nuur